Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta halkan joogo oo aan ka qaybgalo munaasibaddan. Kow waxa maanta oo ay bishu 12/09/2025- ka daah-furayaa mashruuca horumarinta banka Qool-cadey.Markii aan taariikhda dib u waraystay ilaa berigii aynnu gobonnimada ka helnay Ingiriiska 1960-kii waa mashruucii ugu ballaadhnaa ee maalgelin ah ee la keenno degmada Sallaxley, mashruuca faah-faahintiisa wasaaraddaa…
Waa farxad ii ah inaan idin kala soo qaybgalo, idiinna furo shirkan qaran ee lagaga hadlayo shilalka gaadiidka. Waxa aan is leeyahay shirkani waa shir mudan inaynu isugu nimaadno talo qaran.Tiro-koobka ay soo saareen hay’adaha qaranka ee badqabka gaadiidka ee shanti sanno ee ugu dambeeyey markaan is dultaago wadarta guud eeshilalkii gaadiid ee dhacay shanti…
Sharaf weyn bay ii tahay inaan idinku soo dhaweeyo kulankeenna khayrka leh ee aynnu isugu nimi Bisha xurmada leh ee Ramadaan, bisha naxariista, sadaqada, is cafinta iyo ka xorowga naarta. Alleh samaheeda ha ina waafajiyo.Qur’aanka Kariimka ahi waa nolosha ummadda, waxana uu innagu hanuuninayaa jidka toosan, Qur’aanka kariimka ah Ilaahay sharaftiisa ha ina siiyo. Waxa…
Maanta runtii farxad weyn ayay ii tahay in aynu halkan ugu nimaadno dhallinyarada Qaranka. Waalid kasta oo innaga mid ahi carruurtiisa iyo qoyskiisa isaga ayaa ka masuul ah, laakiin carruurta aynu halkan ugu nimi maanta masuuliyadoodu dhammaanteen way ina saaran tahay, aniga laga bilaabo.
Waxa aan la qadeeyey oo aan miis la fadhiyey afar dhallinyaro ah;…
Tobankii bilood ee aan xilka hayey, maanta ayey iigu farxad badan tahay. Waxaa midigtayda fadhiyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, bidixdana waxaa iga fadhiyey Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Maalintii xilka la ii dhaariyey, Suldaanka iyo Ugaaskuba dalka way ka maqnaayeen, maantana waxaan ku faraxsanahay inay hareerahayga joogaan munaasibaddan qaaliga ah ee weyna ay i…
Golaha Wasiirrada, abwaannada qiimaha badan, hal-abuurka da’yarta ah, fannaaniinta qiimaha qaranka ku leh, kooxaha fanka ee kala duwan, dhammaan marti-sharafta, haldoorka kala duwan, ku soo dhowaada munaasibaddan qiimaha weyn innagu leh ee aannu caawa u samaynay in aannu ku karaamayno kuna maamuusno hal-abuurka Somaliland.
Shacabka Somaliland, farriinta koowaad ee aan u sheegayaa waxa weeye: intii…
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.Dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal iyo caasimadiisa Boorama waxa aan ugu baaqayaa nabad, xasilooni iyo isku duubni ummadeed. Madaxweyne ahaan waxaan diyaar u ahay wax kasta oo dhiiga dadkaygu ku baaqannayo, wax kasta oo ummadaydu ku heshiinayso, wax kasta oo qaranimada Somaliland iyo dadkayga dan u ah. Maanta waxa aan…
Muwaadiniinta sharafta badan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Asalaamu calaykum Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu. Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan idiinku hambalyeynayaa curashada sannadka cusub ee 2026. Sannad kasta oo cusub waa fursad kale oo ay tahay in aynu si dhab ah isu qiimayno qof ahaan iyo qaran ahaa, in aynu dib ugu…
Waxaa mahad leh Allah nabadda ka dhigay mid ka mid ah yoolasha ugu horeeya ee Islaamku hirgelinaayo, Nebigeena Muxummadna ka dhigay shamaca nabadda caalamka, midaynta quluubta iyo walaalaynta shucuubta.Walaalayaal, maanta farxadaynta nabadda Ceel Afweyn sababteedu maaha oo kaliya in aan madaxweyne ahaan dareensanahay waajibka Dastuuriga ah ee iga saaran raadinta adkaynta nabadgalyadda dadkayga, waxaa ii…
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu calaykum Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu.Waxa aan ugu horayn xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka ee 8 March hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan haween weynaha caalamka oo ay ugu horeeyaan haween weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan si gaar ah u salaamayaa dhammaan wasiirada hablaha ah, wasiirada kale ee qaranka, janannada, agaasimayaasha, masuuliyiinta kale…
Farxad weyn bay ii tahay aniga iyo shacbiga Somaliland ba inaan ka qaybgalo munaasibadda dib u aasaaska ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada qaranka intii Somaliland dib xorriyaddeeda ula soo noqotay waxa la aasaasay 1994-kii laakiin Somaliland taariikhdeedu intaas way ka mug weyn tahay ciidamadii ugu horreeyey Somaliland yeelatana waxa la Aasaasay 1914-kii, waana ciidankii Rakuubleyda ee…
Waxa aan fursaddan uga faa’iidaysanayaa inaan u sheego dalalka aannu saaxiibka nahay, deriskayaga, walaalahayaga carbeed iyo kuwa gobolka ee Muslimiinta ah iyo kuwa aan ahayn, gaar ahaan ku wa ku jira midowga Afrika, dadka kale waynu isaga dhaw nahay, waxana inaga dhexeeya dhul, taariikh, Diin iyo dano kale. Waxa aannu idinka mudnayn inaad idinku hoggaamisaan…
