Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Al-Xamdullillaahi Rabbil-Caalamiin,
Wa Bihii Nastaciinu Calaa Umuuri Dunyaa , Wa-diin Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Nebiyinaa, Muxammadin Wa Calaa Aalihii Wa saxbihii wa salam; Allahu Akbar, Allahu Akbar.
Madaxweyne Kuxigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Muuse Biixi, Madaxweyne Kuxigeennadii hore dalka soo maray, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka iyo Hoggaankooda, Xubnaha golaha wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka, Martida beesha caalamka oo ka kooban shan iyo labaatan dal ayaa inala jooga, dhammaantood aad ayaan ugu mahad-naqayaan, waxa aan gaar ugu mahad-naqayaa safiirada fadhigoodu yahay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, Badhsaabka Gobolka Maroodijeex, Duqa Caasimaddda, madaxda dhaqanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Ururrada bulshada rayidka ah, dhammaan ciidmadamada kala duwan ee Qaranka iyo qoysaskooda, guud ahaan muwaadiniinta
Jamhuuriyadda Somaliland rag iyo dumarba, gudo iyo dibedba,
A-Salaamu Calaykum Wa raxmatullaahi wa Barakaatuhu
Dhammaan Shacbiyeygu meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxa aan la wadaagayaa Hambalyada iyo Farxadda Xuska Munaasibadda
35 Guurada Maalinta Qaranka ee 18-ka May 2026, ee aynu sannadkan halku-dhigeeda ka dhigannay Aqoonsi & Adkaysi.
Walaalayaal;
Ugu horreyn waxaa iga xasuusin ah, in ay maanta inoo bilowdeen 10kii maalmood ee ugu khayrka badnaa sannadka Islaamka, sida uu Alle Qur’aankiisa ku xusay. Fadligooda Alle ha ina siiyo, cibaadada ha innaga aqbalo. Nabadda, horumarka iyo qarannimadana ha inoo xoojiyo, Muslimiinta u tagay Cibaadada baydka Ilaahayna, waxa aan u rejaynayaa in uu Rabi ka aqbalo Acmaasha kheyrka badan.
Waxa aan u mahadnaqayaa Allaha (SWT) innagu simay, in aynu mar kale isugu nimaadno xuska, dabaaldegga iyo u damaashaadka maalinta qarannimadeenna, maalinta Qaran oo uu leeyahay muwaadin kasta oo u dhashay dalkan Somaliland.
Waxaa farxad gaar ah inoo ah, in maanta uu yahay xuskii kowaad ee aynu xusnayno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsaday.
Waxaa kale oo aan shacbigeyga ugu bishaaraynayaa, in Madaxweynaha Dawladda Israel uu maanta warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomayo Safiirkeenna Idman ee Israel, Danjire Dr Maxamed Xaaji. Waxa uu noqon doonaa Danjrihii ugu horeeyey ee la aqoonsan yahay ee ay Jamhuuriyadda Somaliland yeelato.
Shan iyo soddon sanno (35) ka hor, 18-kii May 1991, ayeynu magaalada Burco ku qaadannay go’aankii taariikhiga ahaa ee aynnu dib ugula soo noqonnay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aankaasi muu ahayn nacayb iyo caadifad midna, wuxuu ahaa go’aan ku dhisan casharradii aynnu ka barannay, israacii lagu hungoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray 1-dii July 1960-kii.
Waxa aynu u ducaynaynaa halyeeyadii noloshooda, hantidooda, iyo danahoodii shakhsiga ahaaba u sadqeeyey in ubadkoodu iyo ehelkoodu ay gaadhaan himiladii iyaga u rumoobi weyday iyaga.
Waxa aynu u ducaynaynaa haldoorkii bulshada iyo guurtidii nabadda iyo dib-dhiska qaranka dhidibbada u taagay.
Waxa aynu u mahadnaqaynaa hoggaamiyeyaashii seeska u dhigay dhismaha dawladnimada, iyo hirgelinta dimuqraadiyadda, oo sababtay nidaamka qori -isu-dhiibka ah ee aynu horumarka aynu gaadhnay ku gaadhnay.
Waxa aan bogaadinayaa guud ahaan muwaadiniinta reer Somaliland oo uu adkaysigoodu ku simay, aqoonsiga aynu haysanno maanta. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka soo baxday dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal mas’uul ah, nabad ah, sharci iyo dimquraadiyadi ka jirto, xuduudihiisana la yaqaanno, dunidana xidhiidh wanaagsan kula macaamila. Taas oo keentay in su’aasha ay maanta Jamhuuriyadda Somaliland dawladaha weydiisaa aanay ahayn ‘Ma u qalannaa aqoonsi?!’ balse ay tahay, “Goorma ayaad intiinna kale aqoonsanaysaan Jamhuuriyadda Somaliland?”
Waxa aan u mahadnaqayaa dawladda Israel oo noqotay dalkii koowaad ee dunida si buuxda ah u aqoonsaday jiritaanka qarannimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale waxa aan u mahadnaqayaa dalalka aanu jaalka iyo saaxiibbada nahay iyo dal kasta oo garawshiyo ka muujiyey qadiyadda Somaliland.
Waxa aan mar kale cusboonaysiinayaa, baaqeennii aynnu dunida kaga codsanaynay, in la aqoonsado xaqa sharci, taariikheed iyo akhlaaqeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay jiritaanka qarannimadeeda. Waxa aanu gacan saaxiibtinimo, iyo iskaashi u fidinaynaa dalalka kale ee aynu deriska nahay, iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, iyo dalalka Carabta iyo Islaamka.
Waxa aan ugu baaqayaa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, in wax laga barto cawaaqib xumada qaaraddeena ka soo gaadhay, isku tolidda dawlado aan is-raaci karin, iyo isku qasbidda nidaamyo siyaasadeed oo aan is qaadan karin. Waxa aan ku talinayaa in la qaato, taladii Guddidii Xaqiiqo raadinta ahaa ee uu Midowga Africa (AU) u soo diray Jamhuuriyadda Somaliland, sannadkii 2005tii.
Mustaqbalka wanaagsan ee Afrika, wuxuu ku xidhan yahay is-tixgelin, nabad ku wada noolaanshiyo, iyo iskaashi aan la is qasbin. Dadka Soomaaliyeed inta sida xun wax loogu sheegayna, waxa aan mar kale ugu celinayaa una iftiiminayaa, in Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsaday ay tahay dal kale oo u soo kordhay Qowmiyadda Soomaaliyeed.
Dalkeenna Somaliland waxaa ka dhab ah niyad-wanaaggii uu Abwaan
Cali Seenyo suugaantiisa ku cabbiray, markuu lahaa;
Taladaydaan Goostee,
Cidna eed kamaan gelin,
Arrin gubasho keentiyo,
Xaajo geedka lala tago,
Golahaba lamaan iman,
Gacal iyo xigaaloow
Soomaaliyeey garoo kala guurkii maahee, kala gurasho weeyee garoo.
Dalal badan oo sideenna midnimadii ku tamarin waayey, ayaa maanta mid kastaa uu gaarkiisa u yahay barwaaqo-sooran awood dhaqaale iyo diblumaasiyadeedba ku jooga. Serbia iyo Montenegro ayaa marag dhow inoogu filan.
Labadan dal waxa ay iskaga mid yihiin wax kasta oo ay Soomaalidu wadaagto. Dadkoodu waa isku isir, waa isku af, waa isku diin, iyo isku dhaqan.Waxaa ka dhaxaysa taariikh mid ah, iyo sooyaal siyaasadeed oo aad u dheer.
Iskood bay u midoobeen 1918-kii, Siddeed iyo siddeetan (88) sanno kaddibna Montenegro waxaa u soo baxday in aanay danteedu ku jirin wadajirka.
Haddii Somaliland dadkeedu Boqolkiiba Sagaashan iyo toddoba 97% ugu codeeyeen madax-bannaani, dalka Montenegro aftidii laga qaaday bishii Juun 2006dii, dadkiisa 55.5% keliya ayaa u codeeyey goosashada, taas ayaanu ku noqday qaran madax-bannaan.
Intii ka dambaysay qarannimada dalka Montenegro, 167% ayuu kordhay dakhliga wax-soosaarka gudaha ee GDP-ga. Halka dalkii uu ka go’ay ee Serbia, uu 250% kordhay, Ganacsiga iyo dhaqaalaha dhex mara labada dalna waxa uu maanta kordhay 300%. 20 ka sanno gudahood.
Waxa aanu aaminsanahay in Somaliland oo qaran madax-bannaan ahi, ay wax badan ka tari doonto horumarka dhaqaale, iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobalka Geeska & Bariga Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay u gudubtay marxaladda horumarka iyo dhismaha cududdda qarannimadeeda, waxay isu diyaarinaysaa in ay noqoto xuddun dhaqaale oo Afrika ku xidhaysa badda cas iyo suuqyada adduunka.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay xoojinaysaa amnigeeda iyo xasiloonideeda, waxay dadaal ugu jirtaa sii casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaheeda. Waxaanay dunida ku soo kordhinaysaa fursado dhaqaale iyo maalgashi oo dihin.
Xukuumadda wadajir iyo wax qabad waxay sannadka 2026 mudnaanta siinaynsaa Ictiraafka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo casiriyeynta ciidamada qaranka ee kala duwan si loo kobciyo xirfadaha, anshaxa iyo kartida, sii xoojinaya awooddooda difaaca amniga qaranka iyo ilaalinta xuduudihiisa
Munaasabadda maalintan qaran awgeed, waxa aan salaan iyo duco u dirayaa; ciidamada qaranka ee heeganka ugu jira difaaca qaranka, Ciidanka booliiska, ciidanka asluubta, ciidamada ilaalada xeebaha, ciidamada socdaalka iyo xuduudaha, ciidanka dab-damiska, iyo guud ahaan halyeeyada dirayska u xidhan difaaca qarankooda iyo hay’addaha ammniga qaranka guud ahaan.
Waxaan leeyahay walaalayaal, Wadaniyaddiina, Naf-hurkiinna, daacadnimadiina iyo dhabar-adaygiinna ayaa ah tiirka ugu weyn ee ay ku dhisantahay nabadgelyada, xasiloonida, iyo sharafta qarannimada Jamhuuriyadda la aqoonsaday ee Somaliland. Qarankiinuna waa idin ogsoonyahay, waanu idiin abaal gudayaa.
Walaalayaal
Muwaadiniinta Somaliland ee dalka iyo dibaddaba jooga, waxa aan idinku bogaadinayaa dal jacaylka iyo dadaalka aan joogsiga lahayn ee aad qadiyaddeenna Somaliland ku garab taaganyihiin. Waxaan qurba joogta si gaar ah ugu baaqayaa, inay farriinta Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiyaan golayaasha dunidu ku kulanto, iyo fagaare kasta oo caalami ah iyaga oo ah diranayaal dalkooda u adeegaya.
Walaalayaal
Dimuqraadiyaddu waa guusha ugu weyn ee aynu maanta ku faanno. Waxaa waajib ah inay korto oo ay horumar samayso. Waajib baa naga saaran xoojinta hay’adaheena dimuqraadiyadda, dib-u-habaynta shuruucda iyo xeerarka dalka, iyo in aannu horumarinno nidaamkeenna doorasho. Xukuumad ahaan way naga go’antahay in aanu ka shaqayno waajibaadkaas.
Dadkaygoow;
In siyaasadda aynu ku kala aragti duwannaanaa, waa sababta aynu nidaamka dimuqraaddiga ah u qaadannay, laakiin yeynaan oggolaan, in kala duwanaanshiyaheenna siyaasaddu uu dhaawaco qarankeenna. Axdigeennu waa, in qarannimada Somaliland ay ka sarrayso wax kasta oo ina qaybin kara. Waxaynu nahay ummad ilbax ah oo wada-hadal iyo is-maqal ku xallisa caqabadaha ka hor yimaadda.
Somaliland lama kala laha, loomana kala, loomana kala abtirin karo. Waxaa wadaleh dadkeeda Alle ku beeray, mustaqbalkeeduna waxa uu ku xidhan yahay ilaalinta wada-lahaanshiyahaas, iyo midnimadaas. Dalku waa inaga badan yahay, khayraadka ku jiraana way inagu filan yihiin. Waxay u baahanahay nabad iyo midnimo. Somaliland mustaqbalka dhaw waxay noqon doontaa dalalka dunida ugu hodansan Insha Allah.
Waxa aan u mahadnaqayaa dalalka aynu saaxiibka nahay, iyo hay’adaha caalamiga ah ee aynu wada shaqaynta leenahay, maalmihii u dambeeyey siyaabaha kala duwan noo soo gaadhsiinayey hambalyada iyo bogaadinta maalinta dib-u-curashada qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.
Dhammaan dadka reer Somaliland ee gudaha iyo dibadda dalkaba jooga, waxa aan leeyahay farxad iyo badhaadhe ku damaashaada oo ku dabaal dega.
ALLE ha barakeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, dalkeeda iyo dadkeedaba.
Hambalyo Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.
Somaliland ha noolaato. Somaliland ha noolato, Somaliland ha noolato.
