Muwaadiniinta gobonimada badan ee Jamhuuriyadda Somaliland ee dal iyo dibedba ku nool, dalalka saaxiibka la ah qarankeena Somaliland, iyo dhammaan boqorrada, amiirrada, madaxweynayaasha, ra’iisal wasaarayaasha dalalka dunida oo dhan.
Maanta 26 December 2025, maalin weyn ayay u tahay dadka iyo dalka Somaliland. Waa dharaar bog dahab ah ku yeelan doonta taariikhda qarankeena. Waxa rumoobay riyadii aqoonsiga…
Waxa aan ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo carwada koowaad ee macaadinta Somaliland oo maanta qabsoomaysa, waxana aan si gaar ah ugu mahadnaqayaaa dhammaan dalalka, shirkadaha iyo shaqsiyaadka waqtigooda ku bixiyey inay kasoo qaybgalaan iyo kuwa meesha innagala soo qaybgalay intaba.Carwadan oo tii koowaad ahi waxa ay ka turjumaysaa siyaasadda guud ee xukuumadda oo ah in…
Maanta waa maalintii xuska ciidanka Booliska marka horena waxan jecelahay inaan hambalyeeyo taliyaha ciidanka Booliska, ku-xigeennada, hoggaannada iyo ku-xigeennada, qaybaha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, dablayda, xaasaskooda iyo carruurtooda, waxana aan leeyahay waan idinla dabbaaldegaynaa, qarankiinnuna wuu idinla dabbaal degayaa.Anigu waxa aan kusoo koray guri Boolis, meelihii aan ku korayna waxa kamid ah laynka Booliska ee Hargeysa,…
Waxa aan u mahadnaqayaa marka hore wasaaradda maalgashiga iyo wasaaradda madaxtooyada oo gacan siisay iyo ciddii kale ee gacan ka geysatay inuu shirkani qabsoomo. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa 80-ka Maalgashade ee maanta shirkan ka soo qaybgalay ee ka kala yimi 23-ka dal ee dunida ka tirsan, waxana aan leeyahay waad mahadsan tihiin.Waxa kale…
Waa habeen weyn oo taariikhi ah, waa m unaasibad qiime weyn ugu fadhida qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana aynnu xusaynaa sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii aynnu xorriyadda ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii June, 1960-kii.Caawa waa habeen ay Jamhuuriyadda Somaliland noqotay dal xor ah oo madax-bannaan, aqoonsina ka heshay in ka badan 35 dawladood oo xubno…
Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha golaha Guurtida, Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo shirguddoonka labada aqal ee baarlamaanka, xildhibaannada, diblumaasiyiinta iyo marti sharafta dalalka aynu saaxiibka nahay iyo hay’adaha caalamiga ah.Madaxweynayaasha iyo madaxweyne-xigeennada hore, xubnaha golaha wasiirrada, Taliyeyaasha, saraakiisha iyo dableyda ciidamada kala duwan ee qaranka, madaxda dhaqanka, ururrada bulshada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee muwaadiniinta…
Bismallaahi Wa bihii nastaciinu calaa Umuuri dunyaa wa-ddiin… Wa salaatu, wa salaamu calaa Sayidinaa Muxamed SCW.Mudane Guddoomiye, mudanayaal shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, madaxda xisbiyada qaranka, Xubnaha golaha wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Duqa caasimada Hargeysa, Hoggaamiyeyaasha bulshada…
Waxa aan ugu horayn xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka ee 8 March hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan haween weynaha caalamka oo ay ugu horeeyaan haween weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan si gaar ah u salaamayaa dhammaan wasiirada hablaha ah, wasiirada kale ee qaranka, janannada, agaasimayaasha, masuuliyiinta kale ee ka soo qayb galay munaasibada,…
Kasoo qaybgalka kalka afraad ee shirweynaha qaran ee shaqo abuurka iyo shaqadu Sharaf weyn buu ii yahay, Jamhuuriyadda Somaliland qaran ahaan culays badan baa ina haysta heerka shaqo la’aanta oo sarreeya awgii iyo dadka tirada yar ee shaqeeya oo shaqooyinkooda mushaharka kasoo galaa aanu daboolaynin baahidooda nololeed, ama qaar kamid ah shaqooyinka oo aan isku…
