INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda, ka Shacbiga iyo ka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Qaranka JSL, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay AHUN Marxuum Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Qaranka JSL iyo Odayaasha Haldoorka ah ee reer Somaliland oo Hargeysa ku geeriyooday, maanta oo Taariikhdu tahay 17/12/2025.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal Sama-talis ahaan, Waayeel iyo Guurti nabad-doon ahaa oo kaalin weyn ka soo qaatay hawlihii Qaran-dhiska iyo nabadayntii dalka Somaliland, kuna sifaysnaa ka shaqaynta Suluxa iyo isu soo dhaweynta bulshadiisa.
Madaxweynuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Siyaasi Cabdillaahi Axmed Maxamed ( Dahab), Dr Shiine Axmed Maxamed iyo dhammaan qoyska reer Axmed Maxamed Ismaciil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Marxuumka Allah SWT uga baryayaa in uu ka waraabiyo Jannatul Firdawsal Aclaa, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta, Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr),
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
